Cristiano Ronaldo ayaa soo jeediyay inuu qorsheynayo inuu ka fariisto kubadda cagta “hal ama laba sano gudahood”, iyadoo weeraryahanka Al-Nassr la filayo inuu qayb ka noqdo xulka Portugal ee ka qaybgalaya Koobka Adduunka 2026.
Ronaldo, oo 39 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed fiican ku jira isagoo u dhaliyay Al-Nassr 10 gool isla markaana sameeyay saddex caawin 15 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan. Jimcihii, wuxuu sidoo kale labo gool u dhaliyay Portugal.
Xiddiga reer Portugal ayaa labo gool dhaliyay ciyaartii ay 5-1 uga adkaadeen Poland, taasoo ka dhigtay shan gool afar kulan oo uu ka ciyaaray UEFA Nations League 2024-25. Wuxuu hadda u dhaliyay dalkiisa 135 gool 215 kulan oo uu u saftay.
Xiddigan ayaa hadda qayb ka noqday 132 guulood oo uu xulkiisu gaaray, taasoo ah rikoor cusub oo guulaha ugu badan ee uu ciyaaryahan rag ah ku gaaro heer caalami, isagoo ka sara maray Sergio Ramos oo Spain u ciyaara.
Ronaldo ayaa hadda haysta 910 gool oo xirfadiisa ah, wuxuuna weli yahay ciyaaryahan muhiim u ah dalkiisa inkastoo uu waayeel yahay.
Weeraryahanka ayaa sheegay inuu haysto “hal ama laba sano oo kale” oo xirfadiisa ciyaareed ah, wuxuuna inta badan meesha ka saaray inuu tababare noqdo marka uu go’aansado inuu kabaha laalo.
“Waxaan kaliya rabaa inaan ku raaxaysto. Qorsheynta ka fariisashada… haddii ay dhacdo, hal ama laba sano gudahood… ma aqaan. Waxay ku dhowdahay inaan noqdo 40 sano jir… Waxaan si dhab ah u rabaa inaan ku raaxaysto inta aan dareemayo dhiirigelin inaan sii ciyaaro. Maalinta aan isdhiibo,waan ka fariisan doonaa,” ayuu Ronaldo u sheegay warbaahinta.
“Ma arko naftayda oo tababare noqota; taas kuma jirto qorshahayga. Mustaqbalkeygu wuxuu ku jiraa dhinacyo kale oo ka baxsan kubadda cagta, inkastoo waqtigu sheegi doono waxa dhici doona.”