Home Suuqa Kala iibsiga Goormee Ayuu Mikel Merino Ku Biii Doonaa Kooxda Arsenal ?

Goormee Ayuu Mikel Merino Ku Biii Doonaa Kooxda Arsenal ?

0

Mikel Merino ayaa qaadan doona go’aankiisa ku aadan ku biirida Arsenal 24-ka saac ee soo aadan.

Taasi waa sida laga soo xigtay El Diario Vasco, kaasoo sheegaya in Merino uu go’aankiisa ugu dambeeya u gudbin doono labada kooxood ee Arsenal iyo Real Sociedad.

Arsenal ayaa Merino ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu sareeya si ay ugu xoojiso khadka dhexe ee xagaagan waxana ay wadahadalo kula jirtay saxiixa xiddiga muddo todobaadyo ah.

Heshiiska shaqsiga ah ayaa mar hore laga heshiiyay sida laga soo xigtay FootballTransfers, laakiin Merino laakiin Merino ayaan wali qaadan go’aanka uu uga tagi karo kooxda Real Sociedad.

Fursadaha Merino ee u wareegista kooxda ayaa kor u kacday kadib markii Zubimendi uu diiday u dhaqaaqista Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here