Goormee lagu Dhawaaqayaa Xidigaha Xulka England ee ka qeyb galaya Koobka Aduunka

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa laga sugayaa ku dhawaaqista xiddigaha xulkiisa ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka ee bisha November ka bilaabmaya waddanka Qatar, halkaas oo ay dhamaan 32ka  dal ee ka qayb-gelaya ay iska xaadirin doonaan usbuuca labaad ee bisha November.

Xulka qaranka England oo natiijooyin aan wanaagsanayn ka keenayay kulamadii caalamiga ahaa, gaar ahaan UEFA Nations League oo iyaga oo aan hal mar badinin ay ka hadheen tartankiisa, ayaa waxay Koobka Adduunka isku group yihiin Iran oo ay ciyaarta koowaad kulmayaan, Maraykanka iyo Wales.

Gareth Southgate ayaa uu saaran yahay cadaadis badan oo ah sida uu ciyaartoydiisa u kala xulanayo, waxaana la is-weydiinayaa kuwa ay noqon doonaan xiddigo muhiim ah oo la saadaalinayo in uu ka tegi doono.

Difaaca midig ee Liverpool ee Trent Alexandere-Arnold ayaa wadnaha farta  ku haya oo aan hubin in uu ka mid noqon doono xulka, inkasta oo ay u doodayaan saxaafadda iyo halyeeyo badan oo reer England ah, waxaana sidoo kale aan booskiisa hubin Jarrod Bowen oo ka mid ahaa laacibiintii laga saaray liiska xulka  kulankii ugu dambeeyey iyo Fikayo Tomori.

Shaqsiyaad badan ayaa ku cadaadinaya Southgate in uu meesha ka saaro Harry Maguire oo qaab ciyaareed aan fiicnayn muujiyey kulankii Jarmalka oo laba qalad oo uu sameeyey ay keeneen in laba gool laga dhaliyo, balse tababaraha ayaa u damaanad-qaaday booskiisa xulka.

Goorma ayaa lagu dhawaaqayaa xulka England ee Koobka Adduunka?

Maalinta Khamiista ee October 20 ayuu Gareth Southgate hor  iman doonaa saxaafadda, waxaana uu shaacin doonaa  liiska ciyaartoydiisa uu la tegi doono waddanka Qatar ee Koobka Adduunka uga qayb-geli doona, halkaas ayaana laga ogaan doonaa magacyada ciyaartoyda England ee tartankaas ka qayb-gelaysa iyo kuwa laga tegayo.

Liiska xulka England ayaa ka koobnaan doona 26 ciyaartoy iyadoo dhamaan 32ka dal oo hore loogu ogolaa 23 ciyaartoy hadda looga dhigay 26 ciyaarood.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*