Home Warar Ciyaaraha Maanta Graeme Souness oo ‘shaki’ weyn ka qaba mid ka mid ah saxiixyada...

Graeme Souness oo ‘shaki’ weyn ka qaba mid ka mid ah saxiixyada muhiimka ah ee Manchester United xagaaga.

0

Graeme Souness ayaa ‘shaki’ weyn ka qaba mid ka mid ah saxiixyada muhiimka ah ee Manchester United xagaaga.

Si loo caawiyo Erik ten Hag si uu u horumariyo Red Devils, milkiilayaasha United ayaa kooxda keenay Leny Yoro Iyo Joshua Zirkzee.

Ten Hag ayaa qarka u saaran inuu kooxdiisa ku soo dhaweeyo laba ciyaartoy oo cusub ka hor kulanka furitaanka Premier League ee habeenka Jimcaha ee Fulham iyadoo labada ciyaaryahan ee Bayern Munich Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui ay haatan ku sugan yihiin Manchester.

De Ligt iyo Mazraoui ayaa xoojin doona difaaca United oo si weyn u dhibaatooday xilli ciyaareedkii hore laakiin Souness ‘shaki ka qabtaa’ in De Ligt uu la qabsan doono premier League.

Mar la weydiiyay inay calaamad wanaagsan tahay in Ten Hag uu la soo wareegayo mid kale oo ka mid ah ciyaartoydiisii ​​hore ee De Ligt, Souness ayaa u sheegay talkSPORT: “Wuu ogaa waxa uu ka helayo ciyaartoyda kale ee uu ka helayo xiddigihii hore ee Ajax”.

“Shaki ayaan ka qabaa De Ligt, wan ka xumahay xitaa uma ciyaarin xulka Netherlands tartankii euro, kaliya waxa uu ahaa kayd”.

“Marka la eego in uu kooxo waaweyn u soo ciyaaray uma malaynayo in uu la qabsan doono premier League”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here