Home Wararka Ciyaaraha Graham Potter oo xiddigaha kooxdiisa geeyay xero milatari xilli ay isku dayayaan...

Graham Potter oo xiddigaha kooxdiisa geeyay xero milatari xilli ay isku dayayaan inay soo kabtaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan sida xun ugu bilawday.

0
Ad

Tababaraha kooxda Chelsea ee Graham Potter ayaa xiddigaha kooxdiisa geeyay xero milatari xilli ay isku dayayaan inay soo kabtaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan sida xun ugu bilawday.

Chelsea ayaa dhawaanahanba qaab ciyaareed liita dhexda kaga jirtay taas oo ku sababtay inay booska tobnaad kaga jiraan miiska kala sarreynta Premier League.

Ad

Natiijooyinka liita ayaan Chelsea ka joojin inay lacag badan markale is galiso iyadoo January kala saxeexatay Mykhailo Mudryk, Benoit Badiashile, Joao Felix, Datro Fofana iyo Andrey Santos.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska The Sun, Potter ayaa xiddigaha Blues geeyay xerada milatariga ee Bordon iyo Longmoor Militart Camp.

Xiddigaha Chelsea ayaa la sheegayaa inay ka qayb qaateen tababaro kala duwan oo lagu seegay “Jimicsi maskaxeed” iyadoo la isku dayayo in maskaxiyan la xoojiyo oo ay markale koox ahaan u wada shaqeeyaan.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay Chelsea fasax tahay toddobaadkan maadaama aysan wax kulamo ah ciyaarayn oo ay FA Cup ka hadhay.

Chelsea ayaa kulankeeda xiga la ballansan kooxda ay jaarka dhaw yihiin ee Fulham oo gudaha bishan 2-1 kaga adkaatay ciyaar ka dhacday gegida Craven Cottage.

Previous articleManchester United oo war naxdinleh usoo yeeray kaddib ciyaartii ay xalay guusha ay ka gaartay Reading oo ay FA Cup ku kulmeen.
Next articleCristiano Ronaldo oo waddanka Sucuudiga ku martiqaaday afar ciyaartoy oo kooxdiisii hore ee Manchester United ka tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here