Guardiola: Foden waa uu xamili karaa cadaadiska Heysta

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay cadaadiska garbaha ee da’yarka Phil Foden .

Xiddiga khadka dhexe ee weerarka ayay u badan tahay in uu xilli ciyaareedkan door weyn ka qaadan doono kooxda, marka loo eego bixitaankii Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus .

Guardiola, si kastaba ha ahaatee, wax shaki ah kama qabo in Foden uu haysto waxa ay ku qaadato inuu hogaamiyo hal-abuurka kooxda xilli ciyaareedka soo socda.

“Waxaan dareemayaa inuu xamili karo cadaadiska,” ayuu u sheegay website-ka kooxda.

“Weli waxa uu ku raaxaysanayaa ciyaarista kubada cagta, waa in uu dareemo in uu horumarin karo, xirfadiisu waxa ay ahaan doontaa kor iyo hoos, taasi waa hubaal, ciyaartoy ahaan kubada cagta, kor iyo hoos ayay u socdaan

Laakiin haddii uu weli sii ahaado xiisaha uu u qabo inuu ka ciyaaro kubbadda cagta, inuu kubbadda ku raaxaysto, oo uu maalin kasta kubbadda haysto.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*