Guardiola oo doonaya in uu soo xero geliyo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Kroos

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa rajeynaya inuu keeno ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos xagaaga Manchester City .

Kroos waa 32 jir, laakiin wax qandaraas ah uma cusbooneysiin kooxda ku ciyaarta garoonka Santiago Bernabeu ilaa hadda.

Sida laga soo xigtay El Nacional , Kroos ayaa ka caga jiidaya inuu saxiixo heshiis cusub, maadaama laga yaabo inuu doonayo koox cusub.

Ilaha ayaa intaa ku daray in Guardiola uu aad u doonayo inuu ku soo jiido City, maadaama uu aaminsan yahay in Kroos uu weli haysto wax badan oo uu soo bandhigi karo.

Isagoo ka hadlayay Kroos sanadka 2019, tababaraha Isbaanishka ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa inuu yahay xidig adag waxa iigu cajab galiyay arintaas.

“Wuxuu jecel yahay inuu ciyaaro kubadda cagta, wax dhib ah kuma sameyneyso – finalka Champions League ama wareega koowaad ee koobka, Jarmalka ama Spain, wuxuu jecel yahay inuu ciyaaro mar walba.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*