Guardiola oo ka hadlay Habdhaqanka Ciyaartoydiisa kadib bar-barihii West Ham United

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaan wax shaki ah ka qabin habdhaqanka ciyaartoydiisa ee u galaya kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Kadib goolashii Jarrod Bowen ee West Ham United kooxda City ayaa qaybtii danbe ee ciyaarta soo bandhigtay dagaal ay ku keentay labadaasi gool.

Riyad Mahrez ayaa lumiyay fursad qaali ah oo rigoore ah si uu saddexda dhibcood ugu soo xero galiyo, waxayna taasi keentay in wiilasha Guardiola ay hal gacan ku qabtaan horyaalka Premier League .

Guardiola oo kooxdiisu ay wajihi doonto Aston Villa kulankoodii ugu dambeeyay waxana uu yiri: “Haatan ma jiraan wax dood ah oo ku saabsan farqiga goolasha iyo wax kasta, waxaan u baahanahay inaan badino kulankeena si aan u noqono horyaalka.

“Hadii aynaan guulaysan, Liverpool waxa ay noqon doontaa horyaalka.

“Waa mudnaan cajiib ah inaan fursad u helno si aan ugu badinno hal kulan si aan u noqdo horyaal, aad ayaan u sugayaa runtii wax shaki ah kama qabo kooxdeena.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*