Erling Haaland ayaa waxaa qiimeyn doona shaqaalaha caafimaadka Manchester City ka dib markii uu weeraryahanku ka soo gaaray dhaawac kuraanta ah kulankii Sabtidii ay barbaraha 1-1 la galeen Newcastle.
Kooxda heysata horyaalka ayaa raadineysay guul kale kadib markii Josko Gvardiol uu dhaliyay goolka qaybtii hore ee ciyaarta.
Laakiin Newcastle ayaa bar-baraysay qaybtii dambe iyaga oo bar-baro 1/1 ah ku qabtay kooxda Man City.
Haaland ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ku fashilmay in uu wax gool ah dhaliyo.
Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Haaland soo gaadhay dhaawac jug ah intii ay ciyaartu socotay.
“Waxa aan kuu sheegayaa in aan qiimayn doono xaaladiisa”ayuu
“Waxa soo gaadhay jug intii ay ciyaartu socotay”ayuu sii raaciyay.