Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ku faanaya rikoorkooda FA Cup ka hor kulanka ay maanta la leeyihiin Liverpool semi-finalka .
City ayaa guuldaro 2-0 ah kala kulantay Chelsea heerkan oo kale xiliciyaareedkii hore, Catalan-ka ayaana rajeynaya in kooxdiisa ay horumar ka sameyso qaab ciyaareedkaas markan.
“Lix xilli ciyaareed ayaan isla joognay, waxaan gaarnay shan semi-finalka FA Cup,” ayuu yiri.
“Waa yaab. Waxaan heysanaa joogtayn laakiin si fiican uma aanan soo bandhigin kulankaan.
“Xilli ciyaareedkii hore aad buu isku mid ahaa. Waxaan u soo baxnay semi-finalka [Champions League] ee Dortmund, waxaana haysanay seddex maalmood oo aan u socdaalnay halkan si aan ula kulano Chelsea .
“Qeybtii hore waxaan ahayn mid siman. Qaybtii danbe ee ciyaarta ayaanu isku daynay in aanu ku riixno iyaga laakiin waxa adkeyd in la jabiyo nidaamka difaaca ee kooxda chelsea . Waxaan rajeyneynaa inaan sameyn karno si ka sii wanaagsan [waqtigan].
“Waa fursad aan ku gaarno finalka FA Cup-ka. Waa koob taariikhi ah.”