Home Warka Xiisaha Leh Guardiola Oo Magacaabay Sadex Kooxood Oo Uu Ku Farxay Inay Champions League...

Guardiola Oo Magacaabay Sadex Kooxood Oo Uu Ku Farxay Inay Champions League Usoo Baxeen

0
Ad

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay wareega siddeed dhammaadka Champions League usoo gudbeen saddex kooxood oo Talyaani ahi.

Guardiola oo Talyaaniga aqoon u leh isla markaana hore khadka dhexe ugaga soo ciyaaray kooxda Brescia ayaa sheegay inuu dalkaasi yahay meel uu jecel yahay oo asxaab ku leeyahay.

Ad

“Aad ayaan u faraxsanahay, Talyaaniga laba sano ayaan ku noolaa. Asxaab badan ayaan ku leeyahay halkaas waxaanan filayaa in natiijooyinkani aysan shil ahayn” ayuu yidhi Pep Guardiola.

Napoli ayaa dabcan ah kooxda ugu xoogan haatan, Milan iyo Inter way soo laabteen halka England-na waxaanu ku haysanaa De Zerbi (Tababaraha Brighton) oo kubad cajiib ah ciyaaraya”.

“Mustaqbalka miyaa? Fasax ayaan u tagi doonaa Talyaaniga”

Guardiola iyo kooxdiisa Man City ayaa habeen hore guul 7-0 ah ka gaadhay RB Leipzig oo Etihad Stadium marti ugu ahayd iyagoo guud ahaan labadii lugood 8-1 ku garaacay.

Sky Blues ayaa sanadkan loo arkaa koox fursad wanaagsan u haysata inay ugu dambayn iska reebto ceebta ah inaysan abid CL ku guuleysan.

Previous article“Waxaan filayaa in Liverpool joogto” Jamie Carragher oo kooxdiisii hore ee Liverpool usoo jeediyay saxiixa boos ay u baahan yihiin inay iska soo xoojiyaan
Next articleReal Madrid oo la shaaciyay a tababaraha dookha koowaad u ah xagaagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here