Guardiola oo qirasho daacad ah ka sameeyay rajada Liverpool ee horyaalka kahor safarka Man City ee Anfield.
Manchester City ayaa guuldarro 4-0 ah kala kulantay Tottenham Sabtidii, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay hadda wajaheyso farqi shan dhibcood ah oo ay ka dambeeyaan hogaamiyeyaasha Premier League, Liverpool.
Pep Guardiola ayaa qirtay in rajada Manchester City ee ku guuleysiga horyaalka Premier League ay dhamaan doonto haddii ay guuldarro ka soo gaarto Liverpool todobaadka soo socda kulanka ka dhici doona Anfield.
Hoos u dhaca dhawaan ku dhacay City ayaa ah inay shan kulan oo xiriir ah lumiyeen, waxaana ay booqan doonaan Merseyside iyagoo siddeed dhibcood ka dambeeya hogaanka haddii Liverpool ay maanta ka adkaato Southampton.
Guardiola oo ka hadlayay arrintan ayaa sheegay in guuldarro Anfield ka soo gaarta ay noqon doonto dhirbaaxo weyn oo go’aamin karta tartanka horyaalka. Wuxuu yiri: **”Haa. Marka laga eego dhinaca Liverpool oo guulaysata,ma garanayo waxa dhici doona, laakiin xaqiiqada ayaa halkan taalla, waxaana u baahannahay inaan guuleysano ciyaaraha soo socda.
“Waa nala jilciyay xilligan, laakiin ma carari karno. Waa inaan wajahno dhibta. Waxaan jeclaan lahaa inaan dhaho waxa naga lumiyay seddex kulan oo Premier League ah waa hal sabab. Waxaa jira arrimo badan oo aan u baahannahay inaan saxno.”**
4-0 tii ee City kala kulantay Tottenham ayaa noqotay tii ugu xumeyd ee taariikhda Etihad, iyadoo James Maddison uu labo gool dhaliyay qeybtii hore halka Pedro Porro iyo Brennan Johnson ay goolashooda ku dhammeystireen xasuuqa.
Markii ugu dambeysay ee City ay aragto hoos u dhac intaas la eg waxay ahayd xilligii Stuart Pearce ee guga 2006. Tababaraha Tottenham, Ange Postecoglou, ayaa haatan ku booriyay kooxdiisa inay sii wadaan heerkii cajiibka ahaa ee ay muujiyeen guushii Manchester.