Home Horyaalka Italy Guddiga tartamada ee horyaalka Spain oo ku dhawaaqay ciqaabta la marsiin doono...

Guddiga tartamada ee horyaalka Spain oo ku dhawaaqay ciqaabta la marsiin doono tababaraha Kooxda Barcelona

0

Guddiga tartamada ee horyaalka Spain ayaa ku dhawaaqay ciqaabta la marsiin doono tababaraha Kooxda Barcelona ee Hansi Flick, kadib markii kaadhka cas loo taagay kulankii Real Betis ee Horyaalka La Liga.

Flick ayaa diiday ama ka murmay rikoodhe loo dhigay Real Betis kulankii horyaalka La Liga taas oo keentay in ciyaarta laga saaray.

Sida laga soo xigtay wargeyska Catalan ee “Mundo Deportivo”, Flick waxaa lagu ganaaxay labo kulan, sidaas darteed ma joogi doono kulamada Leganes iyo Atletico Madrid.

Tababaraha reer Jarmal ayaa ka maqnaan doona kursiga keydka Barcelona ilaa bartamaha Janauary 2025 ee horyaalka Spain, kaasoo soo laaban doona 19 January kulanka Getafe.

Barcelona ayaa ciyaari doonta kadib kulanka ay Atletico Madrid la ciyaari doonto kooxda Barbasto ee koobka Copa Del-Rey  4 bisha January kadib waxa ay ka qayb gali doontaa koobka Spanish Super Cup ka dhici doona Saudi Arabia.

Wargayska ayaa sheegaya in kooxda FC Barcelona ay racfaan ka qaadan doonto ciqaabta lagu riday iyada oo isku dayaysa in la dhimo iyo suurtogalnimada in uu kooxda hogaamiyo kulanka Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here