Home Horyaalka Ingiriiska Gundogan oo doortay Xidiga uu jecelyahay ee soo maray Noloshiisa

Gundogan oo doortay Xidiga uu jecelyahay ee soo maray Noloshiisa

0

Ilkay Gundogan ayaa u doortay Lionel Messi inuu yahay ciyaaryahanka uu jecel yahay noloshiisa oo dhan.

Xiddiga Manchester City ayaa amaanay Ronaldinho iyo Zinedine Zidane laakiin wuxuu ka doortay xiddiga Barcelona halyeeyada.

Lionel Messi wuxuu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu fiican adduunka in ka badan toban sano haatan.

Xiddiga reer Argentine waa u astaan inta badan ciyaartooyda soo socota layaabna ma ahan in xitaa ciyaartoyda haatan ee kubada cagta ay u doortaan inuu yahay kii ugu fiicnaa abid.

Ilkay Gundogan ayaa la hadlayey warbaahinta ka dib markii uu soo bandhigay ciyaar kale oo Man ah kulankii Manchester City.

Sky Sports Mexico ayaa weydiisatay inuu magacaabo ciyaar yahankiisa uu ugu jecelyahay abid, wuxuu tilmaamay Lionel Messi Wuxuu yidhi:

“Waa su’aal adag, waxaan dhihi lahaa Leo Messi waa ciyaaryahanka aan ugu jeclahay waqtiga oo dhan maxaa yeelay waa farxad inaan daawado isaga, nasiib wanaag, waan sii wadi karaa daawashadiisa. Dabcan waxaa jira ciyaartoy kale oo aan ku xasuusto sida Zinedine Zidane ama Ronaldinho. Waxaan daawaday xiddigo badan laakiin hadii aan doorto kaliya hal, waxay u badan tahay inuu noqon lahaa Messi. ”

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here