Home Wararka Ciyaaraha Gunners oo ku dhow heshiiska Vlahovic ee Kooxda Fiorentina

Gunners oo ku dhow heshiiska Vlahovic ee Kooxda Fiorentina

0
Ad

Arsenal ayaa guul weyn ka gaartay baacsiga ay ku dooneyso xiddiga reer Serbia ee Dusan Vlahovic .

Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa u aqoonsaday Vlahovic dooqa koowaad ee badalka kabtankii hore ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Ad

Sida laga soo xigtay La Repubblica , Fiorentina ayaa iska dhaaftay inay ceshato xiddigeeda ka tagaya kooxda, waxaana ay diyaar u tahay inay aqbasho dalab 58 milyan ginni ah oo uga imaanaya Waqooyiga London.

Vlahovic, oo 21 jir ah, ayaa loo arkaa mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kubbadda cagta adduunka, iyadoo kooxo badan oo Yurub ah ay isha ku hayaan horumarkiisa.

Vlahovic ayaa ah gooldhaliyaha ugu sareeya Serie A xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 16 gool 20 kulan oo uu saftay.

Previous articleWararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Mbappe, Haaland, Vlahovic, Christensen, Henderson, Carroll
Next articleShaxda Rasmiga: Manchester City Vs Chelsea ee Horyaalka Premier League-ga, Liiska Xidigaha lagu soo bilaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here