Shabakadda “Relevo” ayaa soo warisay in maamulka Real Madrid ay diyaar u yihiin inay dhageystaan dalabyada u imanaya xiddiga reer France, Aurelien Tchouaméni Kadib markii ay lumiyeen kalsoonida xiddiga.
Aurélien Tchouaméni ayaa ku soo biiray Real Madrid sanadkii 2022 waxana uu ugu soo biiray kooxda lacag dhan 80 milyan oo euro.
Aurélien Tchouaméni ayaa si cajiib ah ku bilowday Real Madrid, laakiin heerkiisa ayaa hoos u dhacay xilli ciyaareedkii hore iyo ilaa haatan.
Shabakadda ayaa tilmaamtay in maamulka Real Madrid ay gabi ahaanba lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen Tchouaméni.
Maamulka ayaa sidoo kale aaminsan in Tchouaméni sabab u yahay guuldaradii kooxda ka soo gaadhay Barcelona horyaalka La Liga.