Home Wararka Ciyaaraha Guusha Manchester United ee Arsenal oo Xaqiiqooyinka Cusub laga diiwaangaliyay

Guusha Manchester United ee Arsenal oo Xaqiiqooyinka Cusub laga diiwaangaliyay

0

Marcus Rashford ayaa laba gool dhaliyay kadib goolkii ugu horeeyay ee Antony iyada oo Manchester United ay soo afjartay guuldarro la’aanta Arsenal ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay 3-1 ku garaacday Old Trafford.

Xidiga Garoonka ayaa noqday Christian Eriksen

Guusha kadib waxana halkan idinkugu soo gudbineynaa xaqiiqooyinka cusub ee laga diiwaangaliyay kulankan.

Isagoo jira 22 sano iyo 192 maalmood,  Antony wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee Brazil ee gool ka dhaliya Premier League.

 Waxa uu sidoo kale noqday ciyaaryahankii 100-aad ee Brazil u dhashay ee ka ciyaara Premier League.

Manchester United ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League, ka dib markii laga badiyay labadii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedkan. 

Kaliya waa kooxdii seddexaad ee taariikhda Premier League ku guuleysata afar isku xigta ka dib markii laga badiyay labadii kulan ee furitaanka hal xilli, ka dib Tottenham 2011-12 iyo Arsenal 2018-19.

Afartii kulan ee Manchester United ay badisay ayaa ah guushoodii ugu dheereyd ee Premier League tan iyo markii ay badiyeen shan xiriir ah bilihii March iyo April 2021 markaas oo uu hogaaminayay Ole Gunnar Solskjaer.

Bukayo Saka labadii gool ee ugu dambeeyay ee Premier League ee uu u dhaliyay Arsenal waxa ay labaduba ka dhaliyeen Man Utd (bishii April iyo maanta). Saka ayaa 21 jirsaday isniinta, kaliya Cesc Fabregas (52) ayaa ku lug lahaa goolal badan oo Premier League ah Gunners ka hor inta uusan 21 jir noqon Saka (18 gool, 17 caawin).

Previous articleManchester United oo 3-1 ku Xasuuqday kooxda Arsenal Marcus Rashford oo labo gool dhaliyay
Next articleRoy Keane oo ku taageeray Manchester United inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here