Guushii Manchester United ka gaartay Arsenal oo Xaqiiqooyin Cusub iyo Taariikho laga Diiwaangaliyay

Cristiano Ronaldo ayaa dhaafay 800 oo gool xirfadiisa ciyaareed iyadoo Manchester United ay dib ugu soo laabatay wadada guusha ee Premier League ka dib markii ay 3-2 kaga badisay Arsenal garoonka Old Trafford.

Natiijo ahaan Manchester United ayaa ku jirta kaalinta 7aad iyadoo leh 21 dhibcood halka Arsenal oo fadhisa kaalinta 5aad ay leedahay 23 dhibcood.

Xaqiiqooyin Ayaa Laga Diiwaangaliyay Kulankan

Manchester United ayaa dhalisay seddex gool kulan gurigeeda ay ku ciyaartay Premier League oo ay la ciyaartay Arsenal markii ugu horeysay tan iyo bishii Febraayo 2016, iyadoo macalinka ku meel gaarka ah ee Michael Carrick uu dhameystiray dhammaan 90kii daqiiqo ee maalintaas. 

-Arsenal ayaa laga badiyay kulamo badan oo Premier League ah oo ay wajahday United (25) waana in ka badan inta ay la kulantay koox kasta oo kale taariikhda tartanka.

– United ayaa laga dhaliyay 15 kulan oo isku xigta oo gurigeeda ah tartamada oo dhan, waana markii labaad ee ugu waqtiga dheeraa, ka dib 21 kulan oo xiriir ah oo soo dhamaaday March 1959.

– Martin Odegaard oo u ciyaara Arsenal ayaa ahaa ciyaaryahankii afaraad ee laba gool dhaliya, lagana dhigo rigoore Ciyaarta Premier League xilli ciyaareedkan, iyadoo tusaale ahaan dhacdadan labaad ay ka dhacday United 2021-22 (sidoo kale Kortney Hause ee Aston Villa).

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*