Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu ku booriyay saaxiibkiisii hore ee Borussia Dortmund Jude Bellingham inuu ku soo biiro Manchester City.
Xiddiga reer Norway ayaa xagaagii hore ku soo biiray Man City isaga oo kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund waxana uu saaxiib dhaw la ahaa xiddiga Bellingham markii ay wada joogeen Dortmund.
Bellingham ayaa ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican booskiisa waxana la filayaa in uu door weyn ka ciyaaro xulka qaranka England koobka adduunka.
Xiddiga Bellingham ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda Borussia Dortmund xagaaga dambe iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Man United, Chelsea, Man City, Liverpool iyo Real Madrid.
Sida laga soo xigtay CBS Sports, Haaland ayaa saaxiibkiisii hore ee Dortmund ku qancinaya in uu iska diido kooxaha kale ee doonaya saxiixiisa kuna biiro Man City.
Kooxda Dortmund ayaa la sheegayaa in ay xiddiga 19 jirka ah ee reer England ku qiimayso lacag dhan 83 milyan oo euro.