Home Warar Ciyaaraha Maanta Haaland oo meesha ka saaray soo jeedinta sheegaysa in ay Arsenal ka...

Haaland oo meesha ka saaray soo jeedinta sheegaysa in ay Arsenal ka siibatay

0

Weeraryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa meesha ka saaray soo jeedinta sheegaysa in ay Arsenal ka siibatay wakhti horeba tartanka horyaalka kadib bar-barihii 1/1 ahayd ee ay la galeen Brighton.

Arsenal ayaa isha ku haysay wadadii ay ku gaadhi lahayd guusheedii saddexaad oo xidhiidh ah kadib markii Kai Havertz uu Gunners hogaanka u dhiibay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay ku ciyaareen Emirates Stadium.

Laakiin Brighton ayaa soo laabatay waxana ay bar-baro 1/1 ah ku qabteen kooxda Arsenal.

Man City ayaa haatanba badisay 3-dii kulan ee ay ciyaartay waxana jira dad sheegaya in ay Arsenal durba ka hadhayso tartanka horyaalka.

Laakiin Haaland ayaa sheegay in ka hadhista Arsenal ee tartanka ay tahay mid laga bad-badinayo wakhtigan xaadirka ah.

Kadib markii uu saddex gool ka dhaliyay kulankii West Ham, ayuu Haaland meesha ka saaray wararka sheegaya in ay Arsenal ka hadhay tartanka.

“Wali kamay hadhin tartanka”ayuu yidhi Haaland.

“Wali ha isticmaalina kalmadahaas”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here