Haaland oo wajahaya baaritaanno ku saabsan dhibaatooyinka murqaha

Erling Haaland ayaa wajahaya baaritaano dheeri ah oo ku saabsan dhibaatooyinka muruqa ee soo gaaray kulankii Borussia Dortmund ay 3-2 kaga badisay Hoffenheim sabtidii.

Ka dib markii uu furay goolka daqiiqadii lixaad ee PreZero Arena, Haaland ayaa lagu qasbay inuu baxo qeybtii labaad ka dib markii uu jug soo gaaray.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa bilaabi doona daaweynta arrimaha murqaha usbuucan, waxaana uu hadda wajahayaa tartan uu taam ugu noqon karo booqashada Bayer Leverkusen ee Febraayo 6.

War qoraal ah oo ay Dortmund soo saartay ayaa lagu yidhi: “Haaland waxa si faahfaahsan loo baadhay Axadii iyo Isniintii, sida lagu sheegay warbixinta caafimaadka, Norwegian-ka waxa uu ka cabanayaa xanuun dhanka muruqa ah, kaas oo u baahan doona daaweyn iyo baadhitaan dheeraad ah maalmaha soo socda

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*