Home Warar Ciyaaraha Maanta Haaland Wuxuu Nooyahay awood cajiib ah aad ayaan ugu faraxsanahay inaan...

Haaland Wuxuu Nooyahay awood cajiib ah aad ayaan ugu faraxsanahay inaan haysano isaga

0

In kasta oo qaar badan oo ka mid ah asxaabtiisa kooxda ay ciyaarayeen kubbadda cagta caalamiga ah intii lagu jiray xagaaga, Erling Haaland waxa uu waqti ku qaatay caawinta aabihiis ee Qoryo jarida.

Weeraryahanka Manchester City ayaan shaki ku jirin inuu doorbidi lahaa inuu Euro la joogo Norway laakiin way ku guuldareysteen inay u soo baxaan sidaas darteed waxay ahayd xagaagisa mid shaqo iyo nasasho.

Laba kulan oo uu ciyaaray waxa uu dhaliyay afar gool, isagoo ku daray seddexley kale oo uu dhaliyay shalay kadib markii ay 4-1 kaga badiyeen Ipswich.

Tababarihiisa Pep Guardiola ayaa ku faraxsan sida uu Haaland u muuqdo.

“Waxa aan idhi todobaadyo ka hor waxa uu dareemaya wax ka fiican xilli ciyaareedkii hore”ayuu yidhi Guardiola kadib guushii Etihad Stadium.

“Waan xasuustaa in uu yiri ka hor inta uusan weli daalin, laakiin xilli ciyaareedkan isagoo aan wax Euro ah ciyaarin si fiican ayuu u yimid.

“Dabcan ma ciyaari karo dhamaan kulamada ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka laakiin waad garanaysaa sida uu muhiimka u yahay isaga oo dhaliyay goolal badan”.

Haaland ayaa ku dhameystay gooldhaliyaha ugu sareeya  Premier League labadii xilli ciyaareed ee uu ilaa hadda ku sugnaa England.

Waxa uu dhaliyay 36 gool ololihii 2022-23 iyo 27 xilli ciyaareedkii hore ah.

Xiddiga ayaa wali shan ka badan cid kasta oo kale, inkastoo uu dhowr kulan ku seegay dhaawac.

Haaland ayaa hadda lix gool u jira calaamadda 100-ka gool ee Manchester City, waana tiro aad u cajiib badan marka loo eego inuu ciyaaray kaliya 101 kulan.

“Tirooyinka waa wax lagu qoslo,” ayuu yiri Guardiola.

“Waxa uu kula tartami karaa dhanka goolasha Ronaldo iyo Messi.

“Waxay noo tahay awood cajiib ah, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan haysano isaga, waxaan rajeyneynaa inuu halkan joogi karo sanado badan oo badan.” Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay pep.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here