Home Suuqa Kala iibsiga Halka Uu Riccardo Calafiori Ka Ciyaari Doono oo la Shaaciyay

Halka Uu Riccardo Calafiori Ka Ciyaari Doono oo la Shaaciyay

0

Mikel Arteta ayaa sheegay in uu filayo in saxiixa cusub ee Riccardo Calafiori uu ka ciyaari doono labada boos ee daafaca dhexe iyo waliba daafaca Bidix kadib markii uu ka soo wareegay Bologna.

Xiddiga reer Italy ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee Arsenal iyada oo kooxdu ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in uu doortay Arsena, waa xiddig aad ula soconay muddo sanad ah waxana aan aad ugu baahnayn daafac”

“Waxa uu naga dhigi doonaa kuwo fiican waxana uu awood u leeyahay in uu horumar sameeyo”.

“Waxa uu ka ciyaari doonaa labada boos ee daafaca dhexe iyo daafaca Bidix waana xiddig ku soo baxaya qaab ciyaareedkeena”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here