Maalmihii ugu dambeeyey waxa aynu kusoo jirnay qiimayn la xidhiidha ciyaartoyda ugu wanaagsan kubadda cagta ee boos walba oo aynu kasoo qaadanaynay min 25 ciyaartoy. Waxa aynu hore usoo bandhignay goolhayeyaasha ugu fiican, difaacyahannada dhexe, kubbad-sameeyeyaasha iyo kubbad-burburiyeyaasha, maantana waxaynu eegaynaa dhaliyeyaasha ugu wanaagsan.
Gool-dhaliyeyaashu waa kuwa ay ku dhacdo canaanta ugu badan ee lala daba-taagan yahay qiimaynta adag, iyadoo kulan walbana canaanta loo jeediyo iyo ammaantiisu ay ku xidhan tahay in uu shabaqa soo taabto.
Tixgelin laguma siiyo in ay fursado abuuraan, in ay kubadda soo difaacaan amaba gool laga dhalinayo ay soo badbaadiyaan, hase yeeshee shaqada kaliya ee ay sumcadda ku yeeshaan waa in ay shabaqa kooxda kale soo taabtaan.
25ka weeraryahan ee waqtigan ugu fiican adduunyada, waxa toddobaadkii hore isku soo daray laacibka reer Scotland ee Evan Ferguson oo saddexlay u dhaliyey Brighton isaga oo aan hore ugu jirin dhaliyeyaasha indhuhu hayaan.
Waxa kale oo kasoo dhax-muuqda Cristiano Ronaldo oo Sucuudiga ka ciyaarayay tan iyo bishii January waxaanu fadhiyaa kaalinta 24aad, hase yeeshee Karim Benzema oo isaguna Sucuudiga u wareegay xagaagii ayaa waxa uu liiska kaga soo muuqdaa booska kaalinta afraad.
Erling Haaland ayaa ah dhaliyaha ugu wanaagsan adduunyada waqtigan, isaga oo Man City u dhaliyey 52 gool xilli ciyaareedkii tegay, kuwaas oo 36 ka mid ah ay ahaayeen horyaalka Premier League.
Waxa kaalinta labaad fadhiya Harry Kane oo Bayern Munich si fiican u saldhigay iyo Victor Osimhem oo afka hore uga ciyaara Napoli iyo xulka qaranka Nigeria, halka Lewandowski uu ku jiro booska shanaad.
Liiskan kuma jiraan Kylian Mbappe, Vinicius Junior, Ousmane Dembele iyo ciyaartooyo kale oo aad tabayso, sababtoo ah iyagu waxa ay u badan yihiin garabka weerarka, waxaananu kusoo qaadan doonaa qormooyinka dambe.
Halkan kaga bogo liiska 25ka weeraryahan ee ugu fiican kubadda cagta
25. Evan Ferguson
24. Cristiano Ronaldo
23. Elye Wahi
22. Santiago Gimenez
21. Rasmus Hojlund
20. Alexandre Lacazette
19. Lois Openda
18. Jonathan David
17. Goncalo Ramos
16. Ollie Watkins
15. Sebastien Haller
14. Darwin Nunez
13. Dusan Vlahovic
12. Olivier Giroud
11. Ivan Toney
10. Cody Gakpo
9. Alexander Isak
8. Randal Kolo Muani
7. Gabriel Jesus
6. Lautaro Martinez
5. Robert Lewandowski
4. Karim Benzema
3. Victor Osimhen
2. Harry Kane
1. Erling Haaland