Liverpool ayaa dib u soo dhawaynaysa Diogo Jota iyo Federico Chiesa kulanka sabtida ee Premier League ee Fulham.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa dhaawac feeraha ah ka soo gaaray kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Chelsea bishii October, isagoo seegay 11kii kulan ee xiriir ah ee tartamada oo dhan.
Dhanka kale dhaawacyo iyo xanuuno isku dhaf ah ayaa ka dhigay Chiesa inuu garoomada ka maqnaado tan iyo guushii ay ka gaareen Wolves dhamaadkii Sebtember.
Si kasta ha ahaatee labada xiddig ayaa taam u noqon doona kulanka ay Reds la ciyaari doonto Fulham kulan ka tirsan premier League.
Laakiin Reds waxa ka maqnaan doona xiddigaha Ibrahima Konate, Conor Bradley iyo Konstantinos Tsimikas kuwaas oo wali dhaawacan.
Xiddiga Cody Gakpo ayaa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda Liverpool isaga oo booska kala baxaya Nunez kadib dhaleecayn uu la kulmay.
Halkan Kaga Bogo shaxda ay Reds ku ciyaari karto kulanka:
Allison; Alexander-Arnold, Gomez, van Dijk, Robertson; Szoboszlai, Gravenberch, Jones; Salah, Diaz, Gakpo