Home Warka Xiisaha Leh Halkee Ayay Chelsea Kaga Dhamaysan Doontaa Horyaalka Premier League Xilli-ciyaareedka dambe?

Halkee Ayay Chelsea Kaga Dhamaysan Doontaa Horyaalka Premier League Xilli-ciyaareedka dambe?

0
Ad

Chelsea waxay ku jirtaa xill-ciyaareedkeedii ugu adkaa ee muddo ka badan 20 sannadood, waxaanay ku jirtaa kaalinta 12aad ee horyaalka Premier League iyada oo waliba ah kooxda lacagtii ugu badnayd kharash garaysay sannadihii ugu dambeeyey.

Kooxda reer London ayay taageereyaasheedu is-weydiinayaan sida ay kooxdoodu noqonayso xilli ciyaareedka dambe iyo halka ay kaga dhamaysan doonaan miiska kala-sarraynta inkasta oo tababare cusub uu la wareegi doono xagaaga.

Ad

Halyeygii Liverpool ee Michael Owen ayaa uga jawaabay taageereyaasha su’aalaha su’aalaha gubaya, waxaan uu sheegay in Chelsea ay dib usoo laaban doono oo ay waliba ka mid noqon doonto afarta sare, iyada oo horyaalka kula dagaallami doonta Man City.

Michael Owen oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Waxay ila tahay inay afarta sare ku dhamaysan doonaan xilli ciyaareedka dambe. Arrinta ugu muhiimsan waa in ay kooxdu ka takhalusto ciyaartoyda qaarkood, waligaa ciyaartooyo tayadoodu sidaa u badan tahay si fiican uma maamuli kartid.

“Waxa aad luminaysaa tamartaada marka aad damacdo in aad ka farxiso 30 ciyaartoy oo wanaagsan. Waxay ila tahay in arrinta ugu weyn ee hadda laga doonayo ay tahay inay qayb ka mid ah ciyaartoydaas iska diraan, in ay tiradooda yareeyaan kuwa ay haystan oo ay ka fikiran sidii ay qaab fiican ugu bilaaban lahaayeen xilli ciyaareedka
Previous articleQuruxleyda kubadda cagta ee Laura Woods oo garab istaagtay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior
Next articleJurgen Klopp oo ka adkaysan waayey wixii xalay ay taageereyaasha Valencia ku sameeyeen xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here