Halkee Ayay kooxda Arsenal Kaga Jirtaa Taariikhda Premier League Ee Kooxihii Sida Degdegga Ah Ku Gaadhay 50ka Dhibcood?

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xalay gaadhay badhtamaha kulamadeeda xilli ciyaareedka ee horyaalka Premier League, waxaanay ciyaartoodii 19aad ku gaadheen 50 dhibcood, taas oo ka dhigan inay ka mid yihiin kooxihii sida ugu degdegga badan ku gaadhay heerkaas.

19 ciyaarood oo 50 dhibcood ay ka xoogsadeen, ayaa waxay Arsenal ku muujisay inay ka fiican yihiin xiddigihii lagu naanaysi jiray ‘Invincibles’ ee iyaga oo aan halmarna laga badinin ku guuleystay horyaalka Premier League 19 sannadood ka hor, waana markii ugu dambaysay ee ay Gunners ku guuleysato horyaalka.

Guushii ay ka gaadheen Manchester United, ayaa waxay Arsenal mar kale shan dhibcood kaga sare martay Man City oo horyaalka difaacanaysa, iyadoo xaqiiqaduna tahay in ay Arsenal hal ciyaar ah baaqi u tahay oo haddii ay guuleystaan ay sii dheeraysan doonaan tirada dhibcaha ay hoggaanka ku hayaan.

Wiilasha Mikel Arteta ayaa sida rikoodhka guulahoodu muujinayo waxay ka wanaagsan yihiin xiddigihii Invincibles ee xilli-ciyaareedkii 2003/04 Arsenal u qaaday horyaalka, kuwaas oo 19kii ciyaarood ee ugu horreeyey ka xoogsaday 45 dhibcood, waana tiro ka hoosaysa inta ay wiilasha Arteta xoogsadeen.

Arsene Wenger oo hoggaaminayay ciyaartoydaas aan marna laga badin xilli-ciyaareedkii 2003/04 ee taariikhda Premier League ku galay in ay yihiin kooxda kaliya ee iyagoon dhinacooda dhulka la dhigin ku guuleystay horyaalka, ayaa waxay dhibaato ka haysatay dhinaca barbarraha oo ku badnaa, iyaga oo 38ka kulan ee xilli-ciyaareedka 12 jeer barbarro galay.

Manchester City ayaa xilli-ciyaareedkii 2017/18 waxay 19kii ciyaarood ee ugu horreeyey ku heleen 55 dhibcood, waana kooxda dhibcaha ugu badan ku xoogsatay kala-badhka xilli-ciyaareedka, iyaga oo ugu dambayntiina 100 dhibcood ku qaaday horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa iyaduna xilli-ciyaareedkii 2019/20 waxay samaysay rikoodhka Man City oo kale, waxaana 19kii ciyaarood ee ugu horreeyey ay shaqaysteen 55 dhibcood, iyadoo labadan kooxoodba ay horyaalka ku guuleysteen sannadihii ay dhibcahan tirada badana waqtiga yar ku heleen.

Liverpool ayaa mar kale samaysay bandhig fiican xilli ciyaareedkii 2018/19 oo ay 51 dhibcood heleen 19kii ciyaarood ee ugu horreeyey, laakiin nasiib-darro horyaalka kuma aanay guuleysanin waxaana ka qaadday Man City oo hal dhibic ka sarraysay maalintii ugu dambaysay horyaalka.

Arsenal ayaa noqonaysa kooxdii afraad ee sida ugu degdegga badan ku gaadha 50 dhibcood, waxaana 19 ciyaarood ay ku haystaan 50 dhibcood.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*