Halyaaygii hore ee reer Talyaani Paolo Rossi oo geeriyood asagoo 64 sano jir ah

Paolo Rossi, geesi halgamaagii talyaaniga u qaaday Koobkii Aduunka 1982, ayaa ku dhintay da’da 64.

Warkan waxaa Khamiistii shaaciyey TV-ga Talyaaniga ee RAI Sport oo Rossi ugu shaqeyn jirey dhanka khubarada.

“Wararka noocan oo kale ah ee murugada leh: Paolo Rossi wuu naga tagay,” ayuu yiri soo jeediyaha RAI Sport Enrico Varriale, oo aan shaacin sababta dhimashada.

“Lama iloobi karo Pablito, oo naga dhigay dhamaanteen jacayl xagaagaas 1982-kii isla markaana ahaa shaqsi qaali ah oo karti shaqo leh RAI sanadihii ugu dambeeyay.”

Waxyar ka dib markii lagu dhawaaqay geeridiisa, Rossi xaaskiisa Federica Cappelletti, waxay soo dhigtay sawir iyada iyo ninkeeda barta Instagram oo ay weheliso ereyada “semper” – “weligiis”.

Rossi wuxuu ku guuleystay labo horyaal oo Talyaani ah, European Cup iyo Coppa Italia muddadii afarta sano ahayd ee uu la joogay Juventus laakiin waxay ahayd waqtigiisii ​​xulka qaranka ee sida aadka ah loo xusuusto maadaama lixda gool uu ku hogaamiyay Italy guushii Koobka Adduunka.

Rossi ayaa seddexleey ka dhaliyay Brazil marxaladda labaad, sidookale labo gool wuxuu ka dhaliyay Poland ciyaartii semi-finalka 2-0, ka dibna wuxuu dhaliyay mid kale finalka iyadoo Italy ay 3-1 kaga badisay West Germany si ay koobka u qaadaan markii seddexaad

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*