Halyeeyga kooxaha Arsenal iyo Barcelona ee Theirry Henry ayaa amaan ugu qubeeyay tababaraha Man United ee Erik Ten Hag kaddib kulankii toddobaadkan macalinkaasi guuldarrada 3-2 ah kala soo kulmay Gunners.
Tababaraha Dutch-ka ah ayaa Man United qabsaday xagaagii, walow ay kulamadii ugu horreeyay ee Premier League ku ahaayeen kuwo gaabis ah haddana soo laabasho wanaagsan ayay sameeyeen intaas kaddib iyagoo qaab wanaagsan ku naaloonaya.
Henry ayaa sheegay inuu magacaabista Ten Hag kula taliyay kooxdiisii hore ee Barcelona kaddib shaqo ka caydhintii Ronald Koeman kahor inta aysan kooxdaasi Xavi Hernandez keensanin.
Henry ayaa yidhi “Daacad ayaan u hadlayaa, anigu taageero weyn ayaan u ahay Ten Hag aad ayaanan u jecelahay isaga”.
“Isagu waa tababare aan usoo jeediyay Joan Laporta kaddib markii la caydhiyay Ronald Koeman, waa mid caqli badan”
“Maanta waxaynu aragnay koox saddex sano laga shaqaynayay iyo koox lix bilood laga shaqaynayay (Arsenal v Man United), koox toddobaad nasanaysay iyo koox laba cisho nasanaysay haddana Man United fool ka fool ayay ula ciyaartay Arsenal”
Man United ayaa ah kooxda kaliya ee English ah ee u tartamaysa dhammaan afartii Koob ee ay xilli ciyaareedka ku bilaabatay iyadoo qarka u saaran ugu horreynba inay gaadho Finalka Carabao Cup.