Halyeeyga kooxda Arsenal iyo xulka France ee Theirry Henry ayaa ahaa mid shaqo la’aan ah tan iyo markii uu ka tagay booskiisii ku xigeenimo ee xulka Belgium-ka.
Henry ayaa la sheegay inuu iska diiday oo ku gacan-saydhay dalab uga yimid xidhiidhka kubadda cagta France ee FFF oo doonayay inay u dhiibaan xulka qaraka dumarka ee France.
“Aniga ayaa shaqsiyan Henry su’aasha weydiiyay jawaabtiisuna ma ahayn mid fiican” ayuu yidhi Jean Michael Aulas, madaxweynaha Lyon oo kamida guddida xidhiidhka kubadda cagta France.
Bedelka shaqadaas, il-wareedka Maraykanka ah ee ESPN ayaa sheegaya in Henry xiisaynayo oo sugayo shaqada tababarenimo ee ka banaan xulka Maraykanka ee USMNT.
Henry oo ka hadlayay muuqbaahiyaha CBS ayaa wax laga weydiiyay wararka la xidhiidhinaya shaqada xulka Maraykanka wuxuuna ku jawaabay “Miyaan aqaanaa ciyaartoyda? Haa, waan aqaanaa ciyaartoyda. Miyaan aqaanaa horyaalka? Haa waan aqaanaa horyaalka”.
“Miyaan doonayaa inaan tababare ka noqdo heer kasta? Haa dabcan, waa mid kamida waxyaabaha aan jeclaan lahaa inaan sameeyo”.