Halyeeyga kooxda Barcelona ee Ronaldinho ayaa ka hadlay kulanka kama dambaysta UEFA Champions League ee 28-ka bishan

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Ronaldinho ayaa ka hadlay kulanka kama dambaysta UEFA Champions League ee 28-ka bishan May ku dhex maraya magaalada Paris kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

Labada kooxood oo hore iskugu soo arkay Final-kii isla tartankan ee 2018 ayaa markale fooda is-dari doona, Liverpool ayaa 5-2 kusoo reebtay Villarreal wareegii afar dhammaadka halka ay Real Madrid 6-5 kusoo khaarajisay Manchester City.

Ronaldinho oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inuu yahay kulan u dhaxeeya kooxo cajiib ah oo haysta ciyaartoy wanaagsan balse uu Liverpool la jiro maadaama oo uu dhinaca Barcelona kasoo jeedo.

“Laba kooxood oo waaweyn. Waxay haystaan ciyaartoy aad u wanaagsan. Waxaan u rajaynayaa waxa ugu wanaagsan, Real Madrid waa mid aad u wanaagsan balse maadaama oo aan dhab ahaan jecelahay Barca, waxaan la jiraa Liverpool” ayuu yidhi Ronaldinho oo qoslayaa.

Dhinaca kale Ronaldinho Gaucho ayaa mar wax laga weydiiyay Ballon d’Or sheegay inuu abaalmarinaha shaqsiga ah oo dhan u rajaynayo weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema.

“Waan jecelahay Benzema. Isagu waa ciyaartoy leh tayooyin badan tanina maaha wax maanta bilaabmay, mudo dheer ayay jirtay”.

“Xilli ciyaareedkan isaga waxkasta si wanaagsan ayay ugu socdaan, waxaan rajaynayaa inuu ku guuleysan doono abaalmarinaha shaqsiga ah ee ugu macquulsan”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*