Halyeeyga kooxda Manchester United ee Roy Keane oo eedeeyay daafaca kooxdiisii hore ee Aaron

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa eedeeyay daafaca kooxdiisii hore ee Aaron Wan Bissaka kaddib bandhigiisii kulankii xalay guuldarradu kasoo gaadhay Arsenal.

Wan Bissaka ayaa kulankaas ka sameeyay qaladaad muuqda, marka laga yimaado inuu goolka saddexaad garab-dhaafka (Offside) jabiyay ayuu sidoo kale goolka koowaad ee Eddie Nketiah ogolaaday inuu goolka koowaad ee Arsenal dhaliyo qaybta hore.

Roy Keane oo Sky Sports ka hadlayay ayaa yidhi “Waa ogaansho la’aan, sida inuusan aamini karin in qof xaga dambe kasoo marayo, isagu wuu arki karaa” ayuu yidhi Roy.

“Waa la’aanta caqli badnaan kubadda cagta ah, waa la’aanta diirad saaris, marka loo eego inaynu ku amaano inuu difaac fiican yahay”

“Isagu kuma fiicna weerarka sidaas darteed dadku waxay yidhaahdaan waa difaac fiican, maaha difaac fiican”

“Markaan maqlo dadka oo odhanaya kamaan warqabin cida hareerahayga joogtay, waa inaad ka warqabto. Taasi waa shaqadaada, kuwani waa daqiiqado waaweyn, shaqadaada qabso, soco oo kubadda weerar”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*