Halyeeyga Real Madrid iyo xulka qaranka France ee Zinedine Zidane ayaa magacaabay shaxdiisa ugu fiican kubada cagta adduunka.
Zidane, isaga laftiisa, wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu wanaagsan jiilkiisa.
Ka dib markii uu ka fariistay ciyaaraha 2006, wuxuu galay dhinaca tababarka isaga oo sidoo kale guulo ka gaadhay tababarka.
Zizou ayaa Goolhayaha u doortay Iker Casillas halka uu daafaca u doorrtay Pepe iyo Sergio Ramos sidoo kale xiddigaha Alves iyo Marcelo ayuu u doortay garbaha daafaca.
Khadka dhexe waxa uu u doortay Luka Modric iyo Yaya Toure halka uu weerarka u doortay Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Zlatan Ibrahimovic & Karim Benzema.