Weeraryahanka halyeeyga reer Brazil Ronaldo Nazario ayaa sheegay in Real Madrid ay qalad samaysay markii ay fasaxday Achraf Hakimi oo ka tagay kooxda xagaagii lasoo dhaafay.
Daafaca midig ee reer Morocco, ka dib labo sano oo amaah ah oo uu ku joogay Borussia Dortmund, wuxuu ku biiray Inter Milan xagaagan, iyadoo Real Madrid ay sii heysaneyso diidmada ugu horreysa haddii kooxda reer Talyaani ay go’aansato inay iska fasaxdo.
Isaga oo la hadlaya wargayska reer talyaani ee Gazzetta Dello Sport, halyeeyga reer Brazil ayaa sheegay in kooxdiisii hore khalad ku gashay iyaga oo lumiyay Hakimi wixii ay sameeyeen xagaagii.