Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand oo magacaabay shantii ciyaartoy ee ugu necbaa waqtigii uu ciyaari jiray kubadda cagta

Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa magacaabay shantii ciyaartoy ee ugu necbaa waqtigii uu ciyaari jiray kubadda cagta, kuwaas oo ahaa laacibiin uu ku dhibaatooday joojintooda iyo kuwo dabeecad xumaa oo ay isku dhici jireen oo ay u dhowaan jireen inay gacanta iskula tagaan.

Rio Ferdinand oo kubadda cagta ka fadhiistay sannadkii 2015 ayaa u wareegay inuu noqdo falanqeeye ciyaareed, waxaana uu aas-aasay oo uu sameeyey degel YouTube ah oo la yidhaahdo Rio Ferdinand Presents FIVE, halkaas oo uu kusoo bandhigo sheekooyin kubadda cagta ah ayaa waxa su’aalo laga weydiiyey ciyaartoydii uu necbaa xilligii uu ciyaari jiray.

43 jirkan ayaa markiiba lasoo booday magacyada saddex ciyaartoy oo Liverpool ahaa iyo laba kale oo iyagana uu necbaa inay iskaga hor yimaaddaan garaoomada.

Ciyaartoyga koowaad ee uu necbaa ayaa waxa uu ku sheegay Robbie Savage oo u ciyaari jiray Liverpool, waxaana uu yidhi: “Waan necbaa Robbie Savage. Waxa se jirtay mar aanu isku koox ahayn oo aan jeclaa.”

Waxa uu ku xigsiiyey laacibkii hore ee Southampton, Blackburn iyo Bolton Wanderers, waxaana uu sababta ku sheegay in uu ahaa weeraryahan xooggan oo dagaalka jecel, isla markaana uu ku dhibaatoon jiray xakamayntiisa.

Ciyaartoyga saddexaad ayuu ku tilmaamay Mario Ballotelli oo ay kulamo badan iskaga hor yimaaddeen Premier League intii uu weeraryahanka Talyaanigu ka tirsanaa Man City iyo Liverpool, waxaanu yidhi: “Waan necbaa Ballotelli. Waxyaabo badan ayaa jiray. Wuu dabeecad xumaa, laakiin haddana waan la sheekaysan jiray.”

Labada ciyaartoy ee kale ayuu ku sheegay Luis Suarez iyo Fernando Torres, waxaana uu ku sababeeyey sidii uu ugu dhibaatoon jiray joojintooda, gaar ahaan Torres oo uu xusay inuu ka boobi jiray kubadda, orod kaga dheerayn jiray si fududna goolasha uga dhalin jiray.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*