Home Warka Xiisaha Leh Halyeygii xulka qaranka England ee Owen Hargreaves oo saadaalin Yaab leh ka...

Halyeygii xulka qaranka England ee Owen Hargreaves oo saadaalin Yaab leh ka Bixiyay ciyaarta Champions League ee Arbacada

0

Halyeygii xulka qaranka England ee Owen Hargreaves ayaa saadaaliyey ciyaarta Champions League ee Arbacada toddobaadkan ay ku kulmi doonaan kooxihiisii hore ee Bayern Munich iyo Manchester United oo dib ugu soo laabatay tartankan oo ay muddo ka maqnayd.

Red Devils ayaa xilli-ciyaareedkii hore ka dheeshay Europa League, waxaanay soo laabashadooda Champions League uga mahad-celinayaan Erik ten Hag oo sidoo kalena soo afjaray abaartii koobab la’aanta ee lixda sannadood haysatay.

Bayern Munich iyo Manchester United ayaa waxay ku wada jiraan Group A oo ay ku wehelinayaan Glatasaray iyo FC Copenhagen, waxaana Arbacada foodda is-daraya labada quwadood ee Munich iyo United oo garoonka Allianz Arena ku kulmi doona.

Harry Kane ayaa hoggaamin doona safka Baern Munich oo saddexdii ciyaarood ee horyaalka Bundesliga guulo waaweyn gaadhay, balse Jimcihii barbarro la galay Bayer Leverkusen.

Manchester United ayaa ay ciyaartani ku imanaysaa iyaga oo ku jira xaalad adag oo guul-darraystay saddex ka mid ah shantii ciyaarood ee Premier League ee ay dheeleen, waxaana Owen Hargreaves uu rumaysan yahay in Bayern Munich ay cusbo sii marin doonto nabarrada guul-darrooyinku u yeeleen Man United.

“Bayer ayaa hu baashii ah kooxda ku cadcad gurigeeda, gaar ahaan kaddib saxeexa Harry Kane. Man Untied way iska caddahay in ay wali khatar yihiin, waxayna haystaan weerar tayo leh sida Rashford, Bruno Fernandes oo khadka dhexe si cajiib ah uga soo ciyaara iyo fursado badan oo ay kooxdu hesho. Sidaas oo ay tahay, haddii Bayern ay ku jirto qaabkeeda caadiga ah, waxa aan rajaynayaa in ay guuleysan doonaan.” Ayuu yidhi Owen Hargreaves.

11 jeer ayey iska hor yimaaddeen Manchester United iyo Bayern Munich, waxaana laba jeer oo kaliya guuleysatay Man United, halka ay shan barbarreeyeen, afarta kalena ay badisay Bayern Munich.

Xasuusta ugu weyn ee ay Manchester United ka haysato Bayern Munich waa finalkii Champions League ee 1999kii oo waqtigii dhamaadka ay ka daba yimaaddeen isla markaana laba gool oo daran-doorri ahaa ay daqiiqadihii 90+1 iyo 90+3 ay u kala dhaliyeen Teddy Sheringham iyo Ole Gunnar Solskjaer.

Previous articleCarlo Ancelotti oo ka hadlay kaddib guushii soo laabashada ahayd ee ay ka gaadheen Real Sociedad
Next articleMid ka mid ah saddexdii gabdhood ee eedaymaha usoo jeediyey Antony oo ka noqotay dacwaddii ay gudbisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here