FC Barcelona ayaa xalay guul muhiim ah ka gaartay kooxda Brest ciyaar ka tirsanayd Champions League, iyaga oo ku badiyay 3-0. Robert Lewandowski ayaa labo gool dhaliyay, halka Dani Olmo uu isna dib ugu soo laabtay dariiqa goolasha isagoo shabaqa soo taabtay.
Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta kaddib muujiyay farxad iyo deganaan, taasoo aad uga duwanayd hab-dhaqankiisii caraysnaa shirkii jaraa’id ee ciyaartii Celta Vigo.
Sida ay qortay Mundo Deportivo, Flick ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay wada-hadal uu la yeeshay ciyaaryahanka da’da yar ee Lamine Yamal dhammaadkii ciyaarta, kaas oo ay kamaraduhu qabteen.
Tababaruhu si cad ayuu u sheegay waxa uu u sheegay wiilka garabka ka ciyaara: “Waxaan ku idhi waxaan rajaynayaa inaad nala joogi doonto Sabtida marka aan wajahno Las Palmas.”
Shaki kuma jiro in Flick uu doonayo in Yamal uu si degdeg ah ugu soo laabto kooxda, maadaama ay Barcelona hal guul oo kaliya gaartay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeysay xilli uu garoonka ka maqnaa wiilka da’da yar.