Macalinka kooxda Barcelona, Hansi Flick, ayaa sheegay inuusan waligiis fursad u helin inuu tababare u noqdo ciyaaryahan lamid ah garabka Brazil ee Raphinha.
Barcelona ayaa ka yaabsatay adduunka markii ay 4-1 ku garaacday kooxda Bayern Munich kulan ka tirsan tartanka Champions League sidookalana ay 4-0 kaga badyeen Real Madrid kulankii El Clasico.
Raphinha ayaa dhaliyay 4 gool labadaas kulan ee muhiimka ah xili ciyaareedkaan, waana sababta keentay inuu amaan kala duldhaco tabaraha Jarmalka ah.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Brazil ayaa xili ciyaareedkaan kusoo baxay dhaliye cajiib ah, waxaana uu qaatay masuuliyad badan tan iyo markii uu yimid tababare Hansi Flick.
“Weligay kooxdeyda kuma aanan helin ciyaaryahan la mid ah Raphinha, wax walba ayuu awoodaa inuu sameeyo,” ayuu yiri Hansi Flick oo saxaafada la hadlayay.
Raphinha ayaa haatan ku maqan ciyaaraha caalamiga ah, iyadoo bandhigiisa ay keentay in loo dhiibo maaliyada lambarka 10-aad ee xulka Brazil.