Home Warar Ciyaaraha Maanta Harry Kane oo afar gool dhaliyay kana Hadlay Rikoodhkii Uu Sameeyay.

Harry Kane oo afar gool dhaliyay kana Hadlay Rikoodhkii Uu Sameeyay.

0

Harry Kane oo afar gool dhaliyay ayaa habeen kale ku raaxaystay rekoodhaha Bayern Munich iyadoo noqotay kooxdii ugu horaysay ee sagaal gool ka dhalisa kulan Champions Leaque ah.

31-jirka reer England qaab ciyaareedkiisa uu soo bandhigay kulankii ay 9-2 kaga badiyeen Dinamo Zagreb ayaa la macno ah in uu gaaray rikoodhan soo socda…

Gooldhaliyihii ugu sareeyay Ingariiska ee Champions League ama taariikhda Koobka Yurub isagoo dhaliyay 33 gool 45 kulan, isagoo dhaafay rikoorkii hore ee Wayne Rooney ee 30ka gool.

Ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Ingiriis ah oo afar gool ka dhaliya kulan Champions League ah.

Ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Ingiriis ah ee u dhaliya seddexleey ama wax ka badan koox aan Ingiriisi ahayn tartanka Champions League.

Ciyaaryahankii ugu horeeyay ee dhaliyay seddexleey rigoore ah kulan Champions League ama European Cup.

Wuxuu dhaliyay goolashiisii ​​50-aad, 51-aad, 52-aad iyo 53-aad ee Bayern Munich – waana kulankiisii ​​50-aad ee kooxda.

Waxa uu dhaliyay seddexleydii 24-aad ee xirfadiisa ciyaareed, waana markii shanaad ee uu dhaliyay seddex seddexley oo isku xigta (ama afar laab)

Waxa uu dhaliyay goolkiisii ​​sagaalaad shan kulan oo uu u ciyaaray Bayern xilli ciyaareedkan – iyo sidoo kale laba gool oo uu u dhaliyay England.

“Wiilkeyga Louis, hadda wuu jecel yahay kubbadda cagta, waxaan u qaadayaa kubada ciyaarta guriga oo waxaan dhigayaa sariirtiisa agteeda wuuna ku farxi doonaa marka uu ka soo kaco subaxdii, Ayuu yidhi kane.

Markii uu jabiyay rikoorka Champions League ee England ayuu hadalkiisa raaciyay:

“Mar kasta oo aad ogtahay inuu kugu weyn yahay Wayne Rooney waxay la macno tahay inaad wax fiican qabaneyso, waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican England, waana mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee soo maray ciyaarta.

Waa guul wanaagsan.” Ayuu kusoo xidhay hadalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here