Weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane ayaa barbarreeyey rikoodh taariikhi ah oo u yaallay horyaalka Premier League oo uu dhigay halyeygii Manchester United ee Andy Cole, kaddib markii uu gool qurux badan ka dhaliyey Leeds United oo uu heerka labaad u riday.
29 jirkan ayaa shabaqa soo taabtay ciyaarta oo socotay laba daqiiqadood oo kaliya, waxaana uu goolkaasi ahaa midka kaliya ee labada kooxood ay kala dhaliyeen qaybtii hore.
Harry Kane ayaa waxa kale oo uu goolkiisani ahaa midkii 31aad ee uu dhaliyo xilli-ciyaareedkan dhamaan tartamada, kuwaas oo 26 ka mid ah ay yhiin horyaalka Premier League, waxaana uu sidaas ku barbarreeyey rikoodhkii Cole ee xilli-ciyaareedkii 1993/94 uu dhigay, isaga oo waqtigaas u ciyaarayey Newcastle, waana ka hor intii aanu tegin Manchester United.
Waxa kale oo uu Harry Kane noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee toban gool oo Premier League ah dhaliyay maalinta ugu dambaysa toban xilli-ciyaareed, waana rikoodh isaga u khaas ah.
Ciyaartan ayaa waxa ay dishay Leeds United oo ka dhacday sallaanka horyaalka Premier League oo u daadegtay heerka labaad, maadaama ay u baahnayd in ay guuleysato, waxaanay raacday Southampton oo waqti hore daadegtay.