Harry Kane oo gaaray Rikoorka Bobby Charlton oo ku jira liiska gooldhaliyaasha abid ee England

Harry Kane waxa uu la siman yahay Bobby Charlton oo ku jira liiska gooldhalinta abid ee England .

Xidiga Tottenham Hotspur ayaa dhaliyay goolkii labaad ee ciyaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen Switzerland ,waxana saddexda libaax ay ku badiyeen 2-1.

Kabtanka England oo rigoore ka dhaliyay ayaa barbareeyay Charlton oo ku jira liiska abid ugu fiican qaranka, iyadoo labada nin ay hadda leeyihiin min 49 gool, waxaana hadda ka horreeya Wayne Rooney oo 53 gool dhaliyay.

Tani waa guul uu Kane ku guuleystay 68 kulan, halka weeraryahankii hore ee Manchester United uu dhigay rikoorka ka dib 120 kulan.

28-sano jirkaan ayaa fursad u heli doona inuu goolkiisa ku kordhiyo talaadada marka wiilasha Gareth Southgate ay wajihi doonaan Ivory Coast kulankoodii ugu dambeeyay ee saaxiibtinimo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*