Harry Kane oo ka hadlay heerka Liita ee uu ku jiro iyo Hadii Sabab u tahay Fashilkii Suuqa kasoo gaaray

Xiddiga xulka qaranka England iyo kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa qirtay in bandhigiisa ‘uusan feecneyn koox iyo dalba xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu hoos u dhigay talooyin kasta oo muujinaya in qaab ciyaareedkiisa liita uu sabab u yahay guuldarradii uu kala kulmay ku biirista Manchester City.

28 jirkaan ayaa u muuqday inuu ku biirayo Citizens ka dib markii uu codsaday inuu ka tago Spurs, laakiin labada kooxood ayaa ku heshiin waayay heshiis, taasoo weeraryahanka ku sii heysay Kooxda Tottenham Hotspur.

Tan iyo markaas wuxuu ku dhibtooday inuu shabaqa soo taabto waqooyiga London, wuxuuna ku guuldarreystay inuu gool dhaliyo markii ugu horreysay 15 kulan oo isreebreebka ah, iyadoo wiilasha Gareth Southgate ay barbaro 1-1 ah la galaan Hungary kulankii Talaadadii ka dhacay Wembley Stadium.

Kane ayaa si dabiici ah su’aalo looga keenay qaab ciyaareedkiisa iyo bilowgii liidashada ololaha ee heer kooxeed, laakiin markii la weydiiyay haddii uu sababay hoos u dhacgiisa arinta heshiiska, xiddiga reer England ayaa ku qoslay soo jeedinta, isagoo xusay inuu ‘weli dhaliyay sagaal gool xilli ciyaareedkan’.

“Waa wax iska caadi ah in dadku sidaas u fikiraan, dadku waxay xaq u leeyihiin fikirkooda,” ayuu Kane I sheegay warbaahinta.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*