Home Warar Ciyaaraha Maanta Harry Kane oo ugu dambayn soo afjaraaya abaarta koobabka

Harry Kane oo ugu dambayn soo afjaraaya abaarta koobabka

0

Harry Kane ayaa ugu dambayn soo afjari kara abaarta koobabka maadaama Vincent Kompany uu bedelay niyadda Bayern Munich, waxaa sidaasi qaba halyeeyga Germany Lothar Matthaus.

Kabtanka England Kane ayaa dhaliyay 36 gool oo Bundesliga ah xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay ee Bayern laakiin kooxdiisa ayaa ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee niyad jabka ah, iyagoo 18 dhibcood ka hoos maray kooxda heysata horyaalka ee Bayer Leverkusen.

Thomas Tuchel ayaa baxay dhamaadkii xiliciyaareedkan 2023-24 iyadoo hal sano uu uga harsan yahay qandaraaskiisa, Kompany ayaa tan iyo markii uu ka tagay Burnley, oo ka hartay horyaalka  Premier League, qabtay shaqada kooxda.

Kulankii ugu horreeyay ee Kompany ee horyaalka guul ayuu ka gaaray Wolfsburg , iyadoo Kane oo aan weli koob weyn qaadin lagu wadaa inuu xagaagan indhaha furto.

“Uma maleynayo inuu Kane dhalin doono 36 gool mar kale,” Matthaus, oo todoba jeer Bundesliga kula guuleystay Bayern Munich, ayaa sidaasi sheegay.

“Laakiin laga yaabee inuusan u baahnayn.

Waxa uu sanadkan ku dhiiri galin doonaa tababare cusub, koox cusub, oo leh ruux cusub”.

Kane ayaa Bayern ugu biiray heshiis afar sano ah bishii August 2023 isaga oo ugu soo biiray 100 milyan oo euro oo lagu daray waxyaabo dheeri ah, taasoo ka dhigtay Spurs inuu yahay gooldhaliyahooda abid ugu sarreeya isagoo dhaliyay 280 gool 435 kulan oo uu saftay.

Inkastoo goolashiisa uu dhaliyay, Kane xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee Jarmalka ayaa si siman u dhacay iyadoo Bayern ay sidoo kale ka hartay koobka German Cup, waxaana reebtay kooxda heerka seddexaad ee Saarbrucken, halka ay guuldarro ka soo gaartay Real Madrid oo ugu dambeyntii ku guuleysatay semi-finalka Champions League.

Matthaus, oo kabtan u ahaa Galbeedka Jarmalka oo ku guuleystay Koobkii Adduunka 1990kii, ayaa aaminsan in koobabku u imaan doonaan Kane hadda.

Matthaus ayaa sheegay in niyadda qolka labiska uu hooseeyo sababtoo ah tababarihii hore ee Chelsea Tuchel ayaa shaki galiyay ciyaartoyda qaar.

Matthaus ayaa sheegay inuu la yaabay markii Kompany loo magacaabay, laakiin wuxuu aaminsan yahay in kabtankii hore ee Manchester City uu guul ku soo celin doono Bayern.

Kane iyo Kompany ayaa ku xifaaltamayay masraxa Premier League-ga, halka labada ciyaaryahan ay isaga horyimaadeen markii Belgium ay 2-0 ku garaacday England ciyaartii kaalinta seddexaad ee isreebreebka Koobka Adduunka 2018 ee St Petersburg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here