Harry Maguire ayaa ku adkaystay in Erik ten Hag uu wali aaminsan yahay qolka labiska kadib markii ay Manchester United bar-baro 3/3 ah la gashay kooxda Fc Porto kulan ka tirsanaa Europa League.
Shaki ayaa ku hareeraysan mustaqbalka Ten Hag ee Man United iyada oo laga yaabo in uu lumiyo shaqadiisa kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka.
Man Unitd ayaa iska lumisay hogaan 2/0 ah oo ay ku hogaaminaysay ciyaarta qaybtii hore kulankii ay bar-baraha la galeen kooxda Fc Porto.
Mar la weydiiyay bal in ciyaartoyda United ay weli aaminsan yihiin Ten Hag, Maguire ayaa u sheegay TNT Sports: ‘Haa, xaqiiqdii”.
“‘Runtii, waxaan u ciyaaray kooxdan lix sano sidaas darteed waan aranayaa sida ay u shaqayso”.