Harry Maguire oo ka Warbixiyay Xaaladiisa dhaawac ka hor kulanka Leicester City

Kabtanka Manchester United Harry Maguire ayaa ka hadlay ka soo kabashadiisa dhaawaca soo gaaray daafaca dhexe ayaan weli ku soo laaban tababarka kooxda koowaad.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay kooxdiisu la ciyaartay Villarreal iyo Everton tartanka Champions League iyo Premier League sababo la xiriira dhibaato dhaawac oo kubka ah.

Waxaa jiray soo jeedinno sheegaya in daafacaan uu ku soo laaban karo kulanka Leicester City ee Premier League galabnimada Sabtida.

Si kastaba ha ahaatee, 28 jirkaan ayaa u muuqda mid iska diiday inuu ka qeybgalo tartanka ka socda King Power Stadium isagoo xaqiijiyay inuusan weli awoodin inuu ku soo laabto tababarka kooxda koowaad.

“Haa wali tababar lama qaadin kooxda, laakiin waan soo fiicnaanayaa, sida iska cad waa dhaawac niyadjab ah laakiin waan horumar sameynayaa dib ayaana ugu soo laabandoono garoomada goor dhow, ”Maguire ayaa u sheegay MUTV .

Man United waxaa ka maqnaan doona Raphael Varane kulanka Leicester sababo la xiriira dhaawac gumaarka, sidaa darteed Victor Lindelof iyo Eric Bailly ayaa laga yaabaa inay saf u galaan inay noqdaan labada daafac dhexe ee ka horyimaada kooxda Brendan Rodgers .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*