Home Warar Ciyaaraha Maanta Harvey Elliott Oo Magacaabay Tababare lama Filaan ah Oo Ay Tahay In...

Harvey Elliott Oo Magacaabay Tababare lama Filaan ah Oo Ay Tahay In England Ay magacawdo.

0

21 jirkaan ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Lee Carsley oo ah macalinka seddexda libaax ee da’doodu ka hooseyso 21 jirada inuu yahay ninka ku haboon inuu qabto jagada tababarnimo.

Elliott ayaan wali u safan kulankiisii ​​ugu horeeyay ee xulkiisa qaranka, laakiin waxa uu aminsan yahay hadii Carsley uu hogaanka u qabto England, inuu heli doono fursado badan.

Waxaa jiray warar badan oo sheegaya in Jurgen Klopp uu noqon karo bedelka ugu habboon ee Southgate, laakiin Elliott ayaa doortay Carsley.

Southgate ayaa go’aansaday inuu soo afjaro waayihiisa tababarenimo ee England ka dib guuldaradii finalka Euro 2024 ee xulkiisa ka soo gaartay Spain.

Waxa ay soo afjartay xukunkiisii ​​siddeeda sano ahaa ka dib horumar la yaab leh oo ay sameeyeen saddexda libaax ee tartamada waaweyn ee caalamiga ah.

Hawshu waxa ay hadda bilaabmi doontaa in la aqoonsado ninka ugu habboon si uu u sii wado shaqada wanaagsan ee uu bilaabay tababarihii hore ee Middlesbrough.

Waa mid ka mid ah da’yarta ugu rajada wanaagsan Premier League, Elliott waxa uu awooday inuu dib ugu soo laabto tababarka Liverpool ee bilowga xilli ciyaareedka cusub ee uu hoggaamiyo tababaraha cusub ee Reds Arne Slot.

Eliott ayaa rajeynaya in Carsley uu noqon doono tababaraha xulka England.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here