Home Warar Ciyaaraha Maanta Harvey Elliott oo Muddo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doona.

Harvey Elliott oo Muddo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doona.

0

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Harvey Elliott ayaa lagu soo waramayaa inuu wajahayo dhowr isbuuc oo uu garoomada ka maqnaanayo sababtoo ah jab cagta ah.

21-sano jirku waxa uu qayb ka ahaa Arne Slot xilli ciyaareedkan ilaa hadda isaga oo ciyaaray hal kulan oo badal ah.

Elliott ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Liverpool la ciyaartay kooxaha Ipswich Town iyo Manchester United laakiin waxa looga yeedhay waajibaadka xulkiisa England ee 21 jirada.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigii hore ee Fulham ayaa lagu qasbay inuu ka baxo waajibaadka xulkiisa sabab la xidhiidha dhaawac.

Haatan, The Times ayaa ku warramaysa in Elliott uu jab ka soo gaaray cagtiisa ka dib markii uu la kulmay raaxo la’aan intii lagu jiray tababarka waxana uu maqnaan doonaa 6 todobaad sabab la xidhiidha dhaawaca soo gaadhay.

Dhaawaca Elliott ayaa u diidi doona in uu ciyaaro kulamo ay ka mid yihiin Premier League iyo waliba champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here