Home Wararka Ciyaaraha haxaha Rasmiga Ah Ee Arsenal vs Leicester City – Arteta Oo La...

haxaha Rasmiga Ah Ee Arsenal vs Leicester City – Arteta Oo La Shaaciyay

0
Ad

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa u halgami doonta inay lix dhibcood yeelato marka  ay maanta garoonka Emirates Stadium ku qaabbisho Leicester City, siddeed maalmood kaddib markii ay Gunners guul iyo ciyaar qurux badan ku furatay horyaalka Premier League.

Mikel Arteta ayaa kusoo galay ciyaartan, isla shaxdii uu toddobaadkii hore kusoo garaacay Leicester City ee guusha 2-0 ah kasoo gaadhay Sulhurst Park, waxaana hoggaaminaya Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinez oo reer Brazil ah oo afka hore ka wada ciyaaraya.

Ad

Waxa kale oo caawinaya oo garab ka dheelaya Bukayo Saka, halka uu Martin Odegaard isaguna yahay kubbad-sameeyaha kubadda gaadhsiinaya weerarka, balse waxa ka dambeeya oo khadka dhexe ilaalinaya Granit Xhaka iyo Thomas Partey.

Xiddigii kulankii hore isku muujiyey ee William Saliba ayaa ciyaartii labaad ee Premier League ah kusoo bilowday, waxaana uu difaaca dhexe kala ciyarayaa Gabriel Magalhaes, halka Ben White iyo Oleksandr Zinchenko ay iyaguna labada baalood ka ciyaarayaan.

Leicester City ayaa iyaduna kusoo gashay shax adag oo ay hoggaaminayaan Maddison iyo Jamei Vardy oo khadka dhexe uu ka taageerayo Tielemans oo ay kooxaha waaweyn indhaha ku hayaan, Wilfried Ndidid, Castagne iyo Dewsburg-Hall.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Arsenal XI: Ramsdale, White, Gabriel, Saliba, Zinchenko, Partey, Xhaka, Saka, Odegaard, Martinelli, Jesus.

Kaydka: Turner, Tierney, Smith Rowe, Nketiah, Holding, Tomiyasu, Pepe, Lokonga, Elneny

Leicester City XI: Ward, Fofana, Evans, Amartey, Justin, Ndidi, Tielemans, Castagne, Dewsbury-Hall, Maddison, Vardy.

Kaydka: Iversen, Soyuncu, Albrighton, Iheanacho, Perez, Daka, Mendy, Praet, Thomas.

Previous articleShaxaha Rasmiga Ah Ee Manchester City vs Bournemouth oo la soo saaray
Next articleChelsea oo lagu wargaliyay inay bixiso €15m Hadii ay Doonayso Cesare Casade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here