Henderson iyo Sterling oo dhaawac dartii looga soo reebay Xulka England

Photo Getty

Labada xiddig ayaa dib ugu laaban doona Liverpool iyo Manchester City waxayna mari doonaan tijaabooyin caafimaad.

Jordan Henderson iyo Raheem Sterling ayaa laga fasaxay xulka England waxayna dib ugu laaban doonaan kooxahooda si qiimeyn loogu sameeyo.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Henderson iyo weeraryahanka Manchester City Sterling ayaa shaki laga muujiyay kulanka England iyo Iceland ee ka tirsan Nations League Arbacada sababo la xiriira dhaawac.

Henderson ayaa laga saaray waqtigii nasashada ee guuldaradii England ka soo gaartay Belgium Axadii, halka Sterling uusan ciyaarin ciyaarta.

Maamulaha England Gareth Southgate ayaa sheegay in dhibaatada Henderson ay tahay mid adag uuna ku guuldareystay inuu cadeeyo nooca dhaawaca, halka Sterling uu dhaawac ka soo gaaray kubka tababarka tababarka isbuucii hore.

Labada ciyaaryahan ayaa waxaa qiimeeyay kooxda caafimaadka England isniintii waxaana la go’aamiyay in labadoodaba dib loogu celiyo kooxdooda.

England ayaa soo saartay bayaan ay ku xaqiijineyso warkan waxayna sheegtay in Southgate uu sii wadi doono 22-ciyaartoy.

Dhibaatada Henderson ayaa si gaar ah uga walwalsan tababaraha Reds Jurgen Klopp, kaasoo dhaawacyo hareeyeen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Ciyaaro.com

Warar kooban oo Xiiso leh

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*