Home Suuqa kala iibsiga Hernan Crespo oo shaaca ka qaaday cidda ku booriyay Lautaro Martinez inuu...

Hernan Crespo oo shaaca ka qaaday cidda ku booriyay Lautaro Martinez inuu diido dalabkii Barcelona.

0

Weeraryahankii hore ee Inter Hernan Crespo ayaa shaaca ka qaaday cidda uu ku booriyay Lautaro Martinez inuu diido dalabkii Barcelona isla markaana uu kusii nagaado Inter xagaagii hore.

Tababaraha haatan Sao Paulo ayaa tilmaamay in taladiisa Lautaro ee ah inuu kusii nagaado Nerazzurri xilli ciyaareedkan ay aheyd mid sax ah, iyadoo Inter ay haatan hogaanka u heyso horyaalka Serie A.

“Waan aqaanay Lautaro muddo dheer ayuu Crespo u sheegay La Gazzetta dello Sport.

Xagaagii hore waxaan kula taliyay inuusan aqbalin dalabkii Barcelona ee uu kusii nagaaday Inter, ugu dambeyntiina waan saxnaa.

“Lautaro waa mid halis ku ah Afka hore ee goolka had iyo jeer waa mid saaxib la ah lagu jihada toogashada goolka Madaxa ayuu ku xoog badan yahay. Waxa uu heystaa fursado waxaana uu wajahayaa difaacyo ka dheer isaga.

Lautaro ayaa shabaqa soo taabtay kulankii AC Milan si uu u hogaamiyo Inter oo 3-0 kaga badisay kulankii Derby ee axadii hore, iyadoo kooxda Nerazzurri ay haatan afar dhibcood ka sareyso Rossoneri  Serie A .

Dhanka kale Barcelona, oo xiiseyneysay inay hesho adeega weeraryahanka reer Argentine xagaagii hore, ayaa ku dhibtooday LaLiga Santander iyo Champions League xilli ciyaareedkan waxayna u muuqdaan inay si qoto dheer ugu jiraan xiisad dhaqaale.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here